Skip to main content

Breadcrumb

  1. Home

Somali - Somali

Sharciga 

Xeerka Xiriirka Shaqada Qaranka

1935-kii, Koongarasku wuxuu meel mariyey Xeerka Xiriirka Shaqaalaha Qaranka (“NLRA”), isagoo caddaynaya inay tahay siyaasadda Maraykanka in la dhiirrigeliyo gorgortanka wadajirka ah iyadoo la ilaalinayo xorriyadda buuxda ee shaqaalaha. NLRA waxay ilaalisaa dimuqraadiyadda goobta shaqada iyadoo siinaysa shaqaalaha goobaha shaqada ee gaarka loo leeyahay xaqa aasaasiga ah si ay u raadiyaan xaalado shaqo oo ka wanaagsan iyo magacaabista matalaada iyadoo aan cabsi laga qabin aargoosi.

Waa maxay Sharciga?

Xeerka Xiriirka Shaqaalaha Qaranka waxa uu ilaaliyaa inta badan shaqaalaha haddii goobta shaqadu tahay mid lamid ah mise mid aan midaysnayn. Booqo boggan si aad wax badan uga ogaato bannaan baxyada, dhaqdhaqaaqa wadajirka, isticmaalka majaladda baraha bulshada ee hoos timaadaNLRA, khidmadda xubinta ururka, iyo wax badan oo kale.

 


Heerarka Garsoorka

Guddiga waxay awood sharci u leeyihiin shaqa bixayayaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay kuwaasoo waxqabadkooda ganacsi ee gobolada ka sare maro heerka ugu yar. Sannado fogaa, waxay dajisay heerar lagu xaqiijinayo xukunka, kuwaas oo hoos ku qeexan.

 

 

Waxa Aan Sameyno 

Guddiga Xiriirka Shaqaallaha Qaranka waa wakaalad fadaraal madax bannaan oo awood u leh inay ilaaliso xuquuqaha shaqaalaha si ay u abaabulaan oo au u go'aamiyaan haddii ay yeelanayaan ururro wakiilkooda gorgortanka. Wakaaladu waxaa kale oo ay wax ka qabataa sidii ay uga hortagi lahayd una xallin lahayd dhaqamada shaqo ee cadaalad darrada ah ee ay ku kacayaan shaqo bixiyeyaasha iyo ururada gaarka ah.


Doorashooyin Qabo

Haddii aad rabto in aad samaysato mise ku biirto urur, mise caddeyso urur jira, waxaad xarayn kartaa codsi doorasho. Fadlan la xiriir sarkaalka macluumaadka jooga Xafiiska Gobolka kuugu dhow si laguu caawiyo.

Baar Eedeymaha

Haddii aad aaminsantahay in xuquuqahaaga NLRA lagu xadgudbay, waxaad dacwad ka gudbin kartaa shaqo bixiye mise urur shaqaale. Waxaad foomka dacwadda ka heli kartaa halkan. Fadlan la xiriir sarkaalka macluumaadka jooga Xafiiska Gobolka kuugu dhow si laguu caawiyo.

Fududee heshiisyo

NLRB waxay ku dhiirrigalisaa dhinacyada inay ku xalliyaan kiisaska xallinta halkii ay ka ahaan lahaayeen dacwad mar kasta oo ay suurtagal tahay. Xaqiiqdii, in kabadan 90% kiisaska ku dhaqanka shaqada ee cadaalad darrada ah waxaa lagu xalliyaa heshiis mar kamid ah hannaanka, ha ahaato heshiis guddi mise heshiis gaar ah. Guddiga Is afgaradla Heshiiska

Go'aanso Kiis

Marka cabashooyinka Hab dhaqannada Shaqada ee aan Cadaaladda ahayn ee ay soo saaraan agaasimayaasha gobolka aanay horseedin xal, waxay caadiyan horseeddaa dhagaysi Garsoorka Sharciga Maamulka NLRB hortiisa ah. Sida dacwad kasta oo maxkamadeed, labada dhinacba waxay diyaariyaan doodo waxayna soo bandhigaan caddayn, markhaatiyo, iyo khabiiro.

Fuli Amarada

Dibu eegista kiisaska, Maxkamadaha Wareega waxay qiimeeyaan aasaaska dhabta ah iyo sharciga ee Amarka Guddiga waxayna go'aansadaan, warbixin kooban mise dood hadal kadib, in la galo amar garsoor oo amraya u hoggaansanaanta Amarka. Maxkamaddu waxay kaloo ay gali kartaa amar iyadoo ay sabab u tahay in dhinacii ka warcelinaya uu ku fashilmay inuu ka soo horjeesto mise aanu lahayn wax sharci ah oo uu kaga horyimaado tallaabada Guddiga.

 

Yeynu Nahay 

Guddiga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka (NLRB) waa wakaalad fadaraal madax bannaan oo la sameeyay 1935-kii waxayna siisay awoodda ay ku ilaaliso xuquuqda shaqaalaha si ay isku abaabulaan, ula falgalaan midba midka kale si ay u raadiyaan xaalado shaqo oo ka wanaagsan, doortaan in la yeesho wakiil gorgortan wadareed iyo in kale iyagoo ku hadlaya magaca shaqo bixiyaha, mise ka waantoobaan inay sidaas sameeyaan. NLRB waxay sidoo kale u shaqaysaa si ay uga hortagto oo ay u xaliso dhaqamada shaqada ee aan cadaaladda ahayn ee ay sameeyaan loo iyo ururada shaqo bixiyeyaasha, iyo sidoo kale qabashada doorashooyin qarsoodi ah oo khuseeya matalaada ururka. NLRB waa wakaalad laba geesood ah oo ay maamusho hal dhinac oo ay maamulaan guddi shan qof ah iyo dhinaca kale oo uu maamulo lataliye guud. Xubnaha Guddiga iyo Lataliyaha Guud waxaa magacaabaya Madaxweynaha marka uu oggolaado Golaha Guurtida. Waajibaadka iyo shaqada Hay’adda ee hoos timaada Xeerka Xiriirka Shaqaalaha Qaranka ee 1935-kii, ee wax kabaddalka lagu sameeyay, waxaa fulinaya Guddigaa Xiriirka Shaqaalaha Qaranka iyo Lataliyaha Guud ee Hay'adda, kuwaas oo marka laga soo tago awoodaha madaxa bannaan ee hoos yimaada xeer hoosaadka, fulinaya awood kale oo ay ka helaan Guddiga.


Guddiga

Guddiga waxay leeyihiin shan xubnood oo ugu horrayn waxay u shaqeeyaan sidii hay'ad garsoor ka dhigan go'aan kagaarista kiisaska ku salaysan diiwaannada rasmiga ah ee dacwadaha maamulka. Xubnaha Guddiga waxaa magacaaba Madaxweynaha muddo ah 5-sannadood, ogolaanshaha Golaha Guurtida, muddada hal xubin ayaa dhammaanaysa sannad kasta.

Qaybta Garsoorayaasha

Garsoorayaasha Sharciga Maamulka NLRB waxay diiwaan galiyeen, maqlaan, dajiyaan oo go'aan kagaaraan kiisaska ku dhaqanka shaqada ee aan caddaaladda ahayn ee dalka oo dhan, iyagoo isticmaalaya xafiisyada Washington, New York, iyo San Francisco.

Lataliye Guud

Lataliyaha Guud, oo uu Madaxweynuhu u magacaabay muddo 4-sanadood ah, waa kamadax bannaanyahay Guddiga wuxuuna masuul kayahay baaritaanka iyo dacwad kuqaadidda kiisaska kudhaqanka shaqada ee aan caddaaladda ahayn iyo kormeerka guud ee xafiisyada gudaha NLRB ee habaynta kiisaska.

Kormeeraha Guud

Wax badan ka baro Xafiiska Kormeeraha Guud

Taariikhdeenna

Guddida Xirirka Shaqaalaha Qaranka waxay ku faantaa taariikhdeeda dhaqangalinta Xeerka Xiriirka Shaqaalaha Qaranka. Laga bilaabo Great Depression iyo sii socdkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sare ukaca dhaqaalaha iyo caqabadahii xigay, NLRB waxay ka shaqeysay dammaanad qaadista xuquuqda shaqaalaha si ay u wada gorgortamaan, haddii ay doortaan inay sidaas sameeyaan.

Jaantuska Ururka

Jaantuska Ururka NLRB

Kubbiir Kooxda NLRB

Ogaansho

Hordhaca Macluumaadkan waxaa loo diyaariyey in lagu caawiyo ganacsiyada daneynaya inay ka iibiyaan alaabtooda iyo adeegyadooda Guddiga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka (NLRB).  Warqaddan waxay faahfaahinaysaa qaabka wax iibsiga iyo siyaasadda guud ahaan lagu dabbakhi karo iibka ay qabato NLRB. Dukumeentigani wuxuu si guud ahaan u sharaxayaa noocyada alaabta la soo iibsaday, cidda soo iibisa iyo halka laga soo iibsado. Macluumaadka sida gaar ah loogu jiheeyo kuwa yaryar, ee aan faa'iidada lahayn, kuwa naafada ah ee adeegga naafada ah ee ay leeyihiin ganacsiyada yaryar ee halyeyga, iyo ganacsiyada ay haweenku leeyihiin ayaa sidoo kale lagu daray.